X

Dawlada oo albaabada u xidheysa jaamacado ku sheega dalka ka buuxa

WAXBARSHASHO

Wasaarada waxbarashada dawlada dhexe ee Somaliya ayaa sheegtay inay albaabada u xidhi doono jaamacado ku sheeg aad u batay oo baryihii u dambeeeyay jaantey wadhan. Wasaarada ayaa muddo kooban siinaysa jaamacad ku sheega bugta ah.


”Waxaan diiwaan gelinay dhamaan jaamacadaha ku yaala dalka, waxaanan soo saari doonaa qiimeyn inta ka horeysa doorashada halkaas oo aan albaabada u xiri doono kuwa aan anfacayn dhalinteena ayuu yiri wasiirka waxbarashada.


”Shuruudo ayaa jiri doona la buuxinaayo kuwii buuxin kari waayana albaabada ayaa loo xiri doono ayuu raaciyay. Ardayda Somaliyeed ayaan haba yaraatee helin waxbarasho tayo leh burburka kadib.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.