X

Argagixisada Talibaan oo 22 muslimiina u xasuuqdey Mardan oo ku taal Woqooyiga Bakistaan

Argagixisada banaysatay dhiiga bani aadamka ee Talibaan qaybtooda Bakistaan ayaa xasuuq xun ka gaysatay goob sharciyada aqoonsiga lagu qaato oo ay saf ugu jireen dad badan.

Argagixis wata mooto ayaa lagu joojiyay meel aan ka fogeyn albaabka xarunta aqoonsiga dalka laga bixiyo oo ku taal Mardaan waxana isla goobta uu ku xasuuqey 22 ka mida dadkii qaadanay sharciga.

Sarkal u hadlay booliiska ayaa sheegay in dhimashadu inta ka badan lahayd haddii aanu joojin ninkaasi ninka amniga u qaabilsanaa goobta oo ahaa ki ugu horeyay ee dhintey.

Kooxda loo yaqaan Talibaanka Bakistaan oo dhowr kooxood u kala jabay ayaa iyagu sheegay uin hadda joojiyeen xasuuqa ay ka gaystaan goobaha caamka ah taas o ka xanaajisey kuwa hadda gaystey xasuuqa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.