X

Kulan dhexmaray Siilaanyo iyo xisbiyada maamulkiisa oo go’aan looga soo saaray diiwaan gelinta

Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa kulan la yeeshay saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka.

Kulankan  oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland waxaa kasoo qaybgaley madaxwaynaha Somaliland, madaxwayne ku xigeenka, guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , Guddoomiye  Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka, iyo afhayeen komishan Siciid Cali Muuse , wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo masuuliyiin kale.

Kulankan  madaxwaynuhu la yeeshay komishanka doorashooyinka iyo xisbiyada qaranka oo saxaafadu dibad joog ka ahayd waxaa markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay oo uga waramay ujeedada kulankan Guddoomiyaha Komishan Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame

“Waxaanu umada  Somaliland u sheegaynaa   in maanta aanu soo gabagabeynay diyaargarowgii diwaangalinta codbixiyayaasha qaranka, waxaanu kusoo gunaanadnay inaanu jadwal u sameyno sidey goboladu isku raacayaan, siday u kala horeynayaan iyo goorta ay bilaabayaan, waxaanu kala tashanaynay xisbiyada qaranka iyo dawlada oo uu hogaaminayo  madaxwwaynaha qaranku iyo wasiiradiisa iyo madaxwayne ku xigeenku  inaanu u midowno sidii mar qudha diwaan galinta loo gali lahaa.

Diwaangalintu waxay ka bilaabmaysaa gobolka Togdheer January labada todobaad ee u horeeya gudaheeda oo aanu soo cayimi doono sida ugu dhakhsaha badan, agabkii, gaadiidkii iyo goobihii lagu galayay diwaangalintu way dhanyihiin”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshahan cusub ee ay sameeyeen Komishanka qaranku waxaanu yidhi ““Kulankan komishanka qaranku waxay kusoo bandhigeen qorshe tafatiran oo ay si fiican uga soo hawlgaleen  sidii diwaangalintu u bilaabmi laheyd dhawaan , dhamaan waxaa la isku raacay in diwaangalintii la bilaabo maalinta ay usoo gooyaan komishanka qaranku lagana bilaabo gobolka Togdheer, Axsaab ahaan iyo xukuumada ahaan waxaanu ku qanacnay sidii ay aintaasi usoo qorsheeyeen.”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu isna soo dhinaciisa bogaadiyey Shaqada komishanka qaranka “Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa qorshaha ay soo bandhigeen komishanka doorashooyinku ee ah sida loo bilaabayo diwaangalinta codbixiyaha, waxaa kale oo aan hambalyaynayaa gobolka Togdheer oo loo doortay halkii ay ka bilaabmaysay diwangalintu, dadka reer Somaliland waxan maanta u sheegaya in hadii diwaangalintaasi maanta bilaabmaysa ay isdiwaangaliyaan laba milyan oo qof caalamku uu inagu qiyaasi doono  lix milyan” ayuu yidh Faysal Cali  Waraabe

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed waxaanu yidhi “Maanta xukuumadii iyo saddexdii xisbiga waanu dhameyn oo goob joog ayaanu ahayn, runtii talada la iskugu yimidna waxay aheyd qaabkii komishanka doorashooyinku ku bilaabi lahaayeen Diwaangalinta Codbixiyaha”  Axmed Muumin Seed.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.