25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada Talibaan oo magacowdey hogaan cusub kadib markii la khaarajey kii ka horeeyay

Ururka argagixisada Talibaan ee ka dhisan wadamada Bakistan iyo Afganistaan ayaa magacaabay hogaan cusub oo ka soo jeeda qabiilka Pushtunka ee dega labada dhinac ee Bakistan iyo Afganistaan. Pushtunka ayaa u badan dad badow ah dhaqano xun xun haysta.

Ninkan cusub oo gadh dheerleh ayaa la soo dhigey sawirkiisa inkastoo aan la garanayn goorta la qaaday. Kooxdan ayaa daadisay dhiiga muslimiin badan oo degan labada wadan ee Bakistan iyo Afghanistaan.

Lama garan karo in hogaankan cusub oo hore u haystay maxkamadaha kooxda uu wadahadal la galayo dawlada Afgaanistaan oo xagooda ka ah gaalo ama diinta ka saareen. Lamase filayo mar haduu ku xigey hogaankii hore ee Maraykanku diley in uu sameeyo isbedel.

Rashiid CEELAANYO

ARAABINEWS