X

Argagixisada Tigreega oo xasuuqay 240 Canfara

Wararka laga helayo aaga Kalikuma ee xadka Canfarta iyo Tigreega ayaa la xaqiijay in argagixisadu Tigreegu xasuuqeen 240 qof oo ay ku jiraan 107 caruura. Xasuuqan ayaa dhacay shalay kadib markii Tigreegu soo galeen iyo magaalooyinka.


Qaxootigii ugu badnaa ayaa ka barakacay dhulalka Canfarta iyo Axmaarada halka qaxoooti Tigreega laga soo hubeeyo Suudaan. Tigreega ayaa dalbaday in loo furo xadka Suudaan.


Dawladaha reer galbeedka ee taageera Tigreega ayaa ka aamusan xasuuqa argagixisada Tigreegu fulisay marka la weeerarana ka qayliya. Waxay dalbadeen in loo furo jidad bilaa waardiye oo ay ku tagaan Tigree waxase diidey dawlada Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee dawlada dhexe Itoobiya ayaan welli go’aansan inay liqdo argagixisada weerarada ku haya Axmaarada iyo Canfarta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.