X

Maamulka Somalilaan oo AYAX isku dhiibey iyo haweenaydii dhirta oo daasad tuntey

Shukri

Maamulka Muuse Biixi ee Somalilaan ayaa AYAXA isku dhiibey ayadoo maanta la arkay wasiirada dhirta oo daasad garaacaysa si ay AYAXA wasaaradeeda uga kiciso. ”Qof weliba halka uu joogo hakula tacaalo wasaarad qudha daafad uma hayso ayay tiri Shukri X Ismaaciil.


Dawlada dhexe ee Somaliya wasaaradeeda dhirta iyo daaqa oo iyadu ahayd inay maamul goboleedyada ka caawiso la dagaalanka AYAXA ayaa waxa lagu jiraa doorasho, waxana muuqata inayna jirin cid hadda u soo jeedaa.

Maamulkan Somalilaan ayaa iyagu haystey 30 sanno oo nabada laakiin aan ka faaiideysan nabadaa dadku keenay, waxana isaga dambeeyay fadhiidba miduu ka daran yahay uuna u dambeeyay askari 3 saddex sano kahor ku soo baxay nidaam qabaliya.


Wasaarada ay haweenaydani ku magacaaaban tahay ayaa hore u sheegtay inayna xataa awood u helin qabiil awgeed inay dhirta dadka ka celiso ama diido in dhul layska ooto. ” Awood dawlad ma jirto u diideysa dadka ay dhulka daaqa ah ootaan ayay tiri 2016.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.