Sanca 07 Jan 2015–Kooxasha xalaalashaday dhiiga Muslimiinta ee argagixisada caalamiga ah ayaa qarax ku dilay in ka badan 30 booliis loo soo xidhayay tababar caasimada Yaman ee Sanca. Booliiskan ayaa laga keenay Yaman oo dhan waxayna isku diyaarinayeen inay shahaadada qaataan maadaama ay muddo ku xeraynaayeen xarunta tababarka waxayna la eegteen xilliga la soo xidhayay.
Argagixisada caalamiga ah ee magacyada badan sida Shabaab, ISIL, Boko xaraam, Talibaan iyo kuwo kale oo badan ayaa xalaashaday dhiiga muslimiinta mana sheegtaan qaraxyada noocana.
Yaman ayaa qarka u saaran inay burburto argagixisadana u noqoto xarun ay ka duulaan waxana hadda ilaaliya amaanka dalka ciidamada shiicada ah ee ka yimi Galbeedka Yaman.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay