X

Argagixisada Yuhuuda oo diley ilma yar oo jira 18 bilood kaliya kadib dab ay sudheen gurigooda

Argagixisada Yuhuuda ayaa dab sudhey guri ay hurdeen qoys reer Falastiina halkaana ku diley ilma yar oo 18 bilood kaliya jira. Falkaas ayaa waxa cambaareeyay aduunka oo dhan. Yuhuudan argagixisada ah ayaa u soo dhacay guriga oo ku yaal dhul ay Yuhuudu xoog ku degan tahay kuna yaal daanta galbeed ee wabiga Urdun.

Yuhuuda qudhooda ayaa falkan ka cadhootey sheegtayna in ay soo qabanayaan kuwa sameeyay inkastoo cidina aaminsanayn in uu heli doona abaalkiisa.

Falastiiniiinta ayaa sidoo kale cambaareeyay sheegayna in Yuhuuda ka masuultahay falkan maadaama ay u fasaxdey in dadka reer Falastiin sidii la doono loo dilo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.