November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixiso dhex mushaaxaysay madaxtooyada Somaliya oo laga war helay iyo sida lagu ogaadey

Argagixiso dhex mushaaxaysay madaxtooyada Somaliya ayaa halmar laga war helay kadibna ciidanka amniga ayaa talabo xooga qaaday isna waydiiyay sida fudud ee argagixisadu ku soo gashay madaxtooyada.

Argagixisada ayaa inta badan sirta ka hela isla ciidanka xooga oo ay qayb ka yihiin kuna biiraan ayagoo iska dhiga in ay yihiin ciidan daacada waxana la siiyaa tababaro xoogan.

Argagixisada la qabtey ayaa ah askar ka tirsan ciidanka. Askarta la qabtay ayaa gaaraya ilaa Seddax Askari kuwaas oo ka mid ahaa ilaalada Villa Soomaaliya Balse uu soo galay raad argagixisnimo oo lagu helay raad sirdoon.



Weli Howlgalka ayaa socda cabsi ayaana ka jirta Gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Raga laga shakiyay ayaa waxaa hadda ay ciidamadu ku wadaan Baaritaan kala duwan, waxaana gebi ahaanba la xiray iridaha laga soo galo Madaxtooyada Villa Somaliya.

Waa Markii ugu horeysay oo Tuhun argagixisnimo uu soo galo Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya  inkastoo argagixisadu horey u fuliyeen Weeraro dhowr ah kadibna ragii guliyay madaxa loo dheereeyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS