Argagixiso isa soo dhiibey ayaa lagu soo bandhigey Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo. Argagixisadan oo wejigu u duubnaan jirey ayaa la soo sawirey asagoo wata qorigiisa.
Cafiska madaxweynaha iyo burburka ku dhacay kooxda ayaa mid casar iyo habeen ka soo cararayaan.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cabdirahman Cumar Cusmaan ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Jubba uu isku soo dhiibay Aadan Ibraahim oo kamid ah Saraakiisha argagixisada Shabaab ee gobolka Gedo kana faa’iidestay cafis uu fidiyay Madaxweynaha.
Aadan Ibraahim oo war siiyay saxaafada ayaa ka hadlay waxa ku kalifay hada inuu ka soo cararo argagixisada.
Wuxuuna sheegay inuu go’aansadey inuu isa soo dhiibo kadib markii argagixisadu kala shikiyeen oo ay dhexdooda bilaabeen inay is cunaan.
Wuxuuna xusey inuu dhib mooyee marna uuna ummada u soo kordhin wax kheyra had iyo jeerna ku soo kaco inuu wax dilo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS