X

Wasiirka qorsheynta Somaliya ee dhawaan tagey Sanaag oo ka hadley waxa u soo arkey

Wasiirka qorsheynta Somaliya ee dhawaan tagey Sanaag ayaa ka hadley waxa u soo arkey. Wasiika oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dawladu ka jawaabtey baahiyo jirey.



”Waxa wasiir Jamaal Maxamed Xasan uu sheegay in ujeedada uu deegaanadaas u tegay ay aheyd sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha ay qabaan dadka deegaanadaas,wuxuuna ku daray in deegaanada uu soo maray ayna ka jirin wax horumara.



Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka jawaabtay cabashadooda isla markaana uu rajeynayo in halkaasi ay tegi doonaan hay’addo si ay uga fuliyan mashaariic horumarineed.



Waxa uu intaasi sii raaciyay in isagu uusan halkaasi u tegin wax Siyaasad ah balse qorshihiisu uu ahaa sidii uu ogaan lahaa xaalada nololeed ee dadka deegaanka.

Waxa uu nasiib daro ku tilmaamey in dadka deegaanka ay kor dagaalsan yihiin dad aan waxba u qaban.

Waxa booqashada wasiirka aad u amaaney dadka deegaanka oo muddo arag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.