X

Argagixiso ku dhamaadey miino ay Muslimiinta u aasayeen

Waxa saaka magaalada Muqdisho laga helay meydka afar dhiigmiirad oo ku dhamaadey miino ay u aasayeen ummada Muslimka ah. Dhiigmiiratada ayaa xasuuqdey kumanaan Somali ah oo xataa gumeysigii xasuuqin inuu masaafuriyo mooyee.


Dhiigmiiratadan ayaa laga helay meydkooda is goyska u dhexeya deegaanka Suuqa Xoolaha ee Muqdisho iyo SOOS. Qaraxa miinada ayaa la maqley xalay saqdii dhexe lamase eegin waxa dhacay.

ā€¯Waxaan xalay saqdii dhexe maqalay qaraxa miino laakiin markaan saaka soo toosney waxaan aragney meydka afar nin oo yaala agagaarka wadada ayuu yiri nin ka mida dadka deegaanka.


Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa markiiba qaaday meydka dhiigmiiratada. Waxa dadka deegaanku ku farxeen in isla iyagii ay ku dhinteen taas oo ka dhigan inuu dhaafay mujrimiin xasuuqi rabay Muslimiin.

Miinooyinka ay aaseen dhiigmiiratada shabaab ayaa waxa ku nafwaayay kumanaan Soomaali oo welli qaarkood ku naafoobeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.