X

Diyaaradaha Shiinaha oo dulmaray Taywaan iyo cabsi la soo daristey

Jasiirada gooni goosadka ee reer galbeedku hubeeyeen ayaa sheegtay in diyaaradaha Shiinuhu soo dulmareen waxa ay ku tilmaameen khadka dhexe kadibna ay diyaaradahooda kiciyeen si ay uga hortagaan. Shiinaha ayaa sheegay in Taywaan tahay dhul Shiinaha ka mida ayna jirina wax khad dhexe la yiraa.


Shiinaha ayaa dhoolatus naxdinleh kahor dhigey jasiirada xilli uu wakiil ka tirsan Maraykanku booqasho ku tagey jasiirada gooni goosadka ee taageerada ugu weyn iyo hubka ka hesha isla Maraykanka. Hubkaas oo ayna isaga difaaci karin Shiinaha.

Shiinaha oo leh ciidan aad u xoogweyn ayayna maalin ku qaadanayn inay Taywaan daaqada ka saaraan. Taywaan ayaa sheegtay in ayna marnaba ridi doonin xabada ugu horeysa, ayna fartey ciidanka inay ku socdaan shuruucda taala ee ah in aan la ridin xabad.


Cabsida jasiirada Taywaan haysata ayaa keentay im=nayna ku dhawaaqi karin madax banaani inkastoo Shiinuhu u ogolaaday inay is maamusho.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.