02/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixiso ku fashilmey in ay xasuuq gaystaan oo la baacsadey Muqdisho

Argagixiso ku fashilmey in ay xasuuq gaystaan ayaa lagu baacasaday Muqdisho kadib markey isku dayeen in ay qarxiyeen gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa.

Argagixisada ayaa u  muuqdey kuwo aan rabin in janadii beenta ahatyd ee argagixisadu u sheegtay in ay galaan. Gaariga argagixisadu wadatey ayaa la fashiliyay waxana saarnaa labo dhalinyara oo cagaha wax ka dayay isla markiiba.



Askarta dawlada oo aad u feejigan ayaa baacsaday halka gaarigii la sheegay in uu qarxay ayna wax ku noqdeen askar ka tirsan dawlada oo aan la tababarin sida layskaga ilaaliyo qaraxyada.

Waa gaarigii labaad ee isla usbuucan laga badbaadiyo dadka Muslimka ah ee ay gaaleeyeen kadibna xasuuqayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS