X

Argagixiso lagu baacsaday duleedka Samareeb: SAWIRO

Ciidanka xooga dalka ayaa ku baxay maanta argagixiso dhibaato ku haysay dadka u kala gooshaya deegaanada Samareeb ee gobolka Galguduud iyo bariga gobolkaas, ayago bilaabay baad ka qaadid.


Ciidanka oo aad u hubeysan ayaa baacsaday argagixisada oo ku dhuumaalaysanay geedaha iyo dhulka beeraha ee bariga Samareeb. ”Isla markii ay arkeen ciidanka ayay cagaha wax ka dayeen ayuu yiri hogaamiyaha ciidanka xooga dalka.

Ciidanka ayaa la wareegay dhamaan dhulkii dhiigmiiratadu ku sugneyd ee ay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah ee marayay wadada.


Argagixisada ayaa iyagoo ordaya rasaas soo tuurey ilaa haddana ma jirto cid wax ku noqotey ayuu yiri taliyaha ciidanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.