X

Deg deg: Xagjir Taram oo xoog looga jiidi doono aqalka cad

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Maraykanka ayaa sheegaya in xagjir Taram loo quus gooyay haddii uu guuldaro qiran waayana xoog looga soo jiidi doono aqalka cad ee looga taliyo dalkaasi.


Xagjir Taram ayaa cabaadku ka dhamaadey wuxuuna dalbadey in la joojiyo tirinta codeynta ka socota gobolo looga adkaadey, wuxuuna sheegay inuu maxkamad la fuuli doono oo xukunka dhiibi doonin.

Dhinaca kale xisbiga dimoqraadiga ee ku guulaystay doorashada ayaa sheegay inay yaqaanaan sida aqalka looga soo jiido qof aan deganayn oo xadgudubsan. Hadalka xisbiga ayaa ka nixiyay xagjir Taram oo xaalku ku xun yahay.


Doorashada ayaa la filayaa in la soo afjaro ugu dambeyn usbuuca dambe maadaama gobolada qaar dib loo tirinayo si loogu quus hooyo xagjir Taram.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.