X

Argagixiso midi la dhex qaaday jaamacad ku taal Maraykanka oo noqdey Somali

Wararkii ugu dambeeyay weerar argagixiso oo ka dhacay gobolka Ohio ee dalkaasi Maraykanka qaasatan jaamacada ugu weyn dalkaasi ayaa sheegaya in 11 qof dhaawac yihiin.

Booliiska iyo hay’adaha sirdoonka ee dalkaasi ayaa sheegay in ninka weerarka midida iyo gaadhiga adeegsaday uu ahaa Somali qoxootinimo ku soo galay dalka soona maray hoyga argagixisada aduunka ee Bakistaan.

Ninkan ayaa magangalyo ka helay dalka Maraykanka isaga iyo qoyskiisa si nabadana ku deganaa dalkasi Maraykanka, wuxuu ugu abaalgudey in uu midiyo la dhaco dad aan waxba galabsan oo weliba arday ah.

Booliiska ayaa ku sheegay ninkan magaciisa Cabdi Cali Cartan oo ah qoxooti deganaansho la siiyay. Weerarka ayuu dhagarqabe Cabdi u adeegsaday gaadhi kadibna uu ka tagey gaadhiga midina ku eryaday dadka ilaa waxyar kadib la diley.

Sawirkan hoose waa muuqaalka ninka weerarka gaystey laakiin hadda diley

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.