November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

A general view of a deserted and damaged street filled with debris in Homs March 9, 2014. REUTERS/Thaer Al Khalidiya (SYRIA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST CONFLICT) - RTR3GCID

Argagixiso sanado ku dagaalamayay guryaha dadkii ay ka qixiyeen oo is dhiibey magaalada Xama ee Siiriya kadib basas lagu qaaday

Foolxumo ku habsatay argagixiso sanado ku dagaalamaysay magaalada bartamaha Siiriya ku taal ee Xama oo is dhiibey kadibna basas lagu gurey lana geeyay gobolka bariga Siiriya ku yaal ee Idlib oo ay ka taliso argagixisada Al-Nusra ee Yuhuuda iyo Sucuudiga taageero. Kooxdan laga daadgureeyay guryihii dadka ay ka qixiyeen magaalada Xama ayaa faromadhnaan la saaray basas.

Magaalada Xama ee bartamaha Siiriya ayaa ka mid ahayd magaalooyinkii la burburiyay guryahooda kadib markii argagixiso gashay guryihii shacabka rasaasna ka soo rideen.

Qaybta ay kaga jireen argagixisadu magaalada Xama ayaa si xun u burburtey la ismana oran karo bani aadam ayaa ku noolaa. Ciidamada Siiriya ayaa go’doon geliyay sadex sano waxana aakhirkii dhacdey in ay isa soo dhiibaan.

Dagaalka Siiriya ayaa waxa huriyay Sucuudiga, Turkiga iyo carabta kale iyadoo ujeedadu ahayd in xukunka laga tuuro madaxweyne Asad iyagoo shacabka Suuriya ee lagu tilmaamo Sunniga ay ku qaraabteen Sucuudiga ay awood u lahaayeen in ay doorasho ku helaan xukunka ay raadinayan iyagoo coleysan dadka walaalahooda ee la degan halka hadda ay yihiin qoxooti.

ARAG Sawirka hoose qaybta ay haysteen argagixisada oo ay taagan yihiin kaliya BIRIHII korontada.

A general view of a deserted and damaged street filled with debris in Homs March 9, 2014. REUTERS/Thaer Al Khalidiya (SYRIA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST CONFLICT) - RTR3GCID

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM