20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixiso shana oo ku dhintey gaadhi ay saarnaayeen meel u dhow Beledweyne iyo sababta

Shan qof ayaa ku dhintey gaadhi ay saarnaayeen meel u dhow Beledweyne. Gaariga oo la sheegay in noociisa uu ahaa NOHO ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa degaanada Durdur iyo Luuq-Jeelow ee gobolka Gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in gaariga Qarxay ay saarnaayeen xubno ka tirsan argagixisada Shabaab.



Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in Gaarigaasi ay ka buuxeen Waxyaaha Qarxa.



Ciidamada Ammaanka ayaa saldhig ku leh meel u dhow degaanka uu Qarxay Gaarigaasi, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku baxeen.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS