18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixiso uu ka dambeeyo Sucuudigu oo weeraray barlamaanka Iiraan iyo khasaare

Argagixiso uu ka dambeeyo Sucuudigu ayaa weerar ku qaaday barlamaanka Iiraan iyo dhimasho jirta. Wararkii u dambeeyay weerarkaas ayaa sheegaya in 12 qof ay ku dhinteen waxase si geesinimo leh u difaacay weerarkaas fuleynimo.

Argagixiso xidhan dharka madow ee dumarka Iiraaniyiinta iyo Carabtu xidhaan ayaa barlamaanka soo galay waxayna wateen qoryo ayaa lagu yiri warbixinta..

Ciidanka difaaca Iiraan ayaa sheegay in weerarkan fuleynimada ah ay ka dambeeyeen Sucuudiga iyo Maraykanka oo qas ka bilaabay Carabta dhexdeeda. Weerarkan fuleynimo ayaa imanaya todobaad kadib booqashadii Trump ku tagey Sucuudiga.



Maraykanka ayaa cambaareeyay iskana fogeeyay weerarkaas kuna tilmaamay mid aan loo meel dayin. Hogaamiyaha Iiraan ee ruuxiga ah ayaa sheegay in weerarku waxba u dhimin wadanka.



Madaxweynaha Iiraan ayaa isna sheegay in argagixisada dal iyo diin midna lahayn oo loo baahan yahay in si wadajira loola dagaalamo.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ka dhaca dalka waxase la iswaydiinaya dadka ay adeegsadeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS