14/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixiso Xasan Fanax oo masuuliyiinta Muqdisho wacad ku mareen in cadaalada la marsiin doono

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu qorsheynayaa in Cadaaladda la horkeeno Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Fanax) oo ka tirsanaa Saraakiisha waaweyn ee argagixisada Shabaab oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaaya in Sarkaalkan uu si iskiis ah isugu soo dhiibay Ciidanka (NISA) ayaa waxaa dhanka kale soo baxaaya in loo haysto dilal kala duwan oo uu u gaystay Muwaadiniin Somaliyeed.

C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ninkani uu hadda ku socdo baaritaano dheeraad ah, isla-markaana uu ku xiran yahay Xarunta Hay’adda NISA.

Afhayeenka, ayaa wuxuu cadeeyay in kolka baaritaanada la soo gaba gabeeyo ay Sarkaalkaasi horkeeni doonaan Maxkamad, si sharciga loogu qaado.

Xalane, ayaa Sarkaalkaasi ku eedeeyay inuu ka qayb qaatay weeraro qorsheysan oo lagu dilay dad Soomaaliyeed, sidaasi daraadeedna aan la huri doonin in Cadaaladda la horkeeno.

Hawlgal xalay laga sameeyay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu soo qabtay Xasan Fanax, oo horey loogu baadigoobaayay lacago ay madaxdiisa duldhigtay Dowladda Somaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS