X

Argagixiso xasuuq badan gaystey oo abaalkood la mariyay

Waxa maanta dil lagu fuliyay sadex argagixiso oo gaystey xasuuq. Argagixisadan ayaa weerar ay ku dhinteen 18 ka fuliyeen hoteelka Naasa hablood 2 Halka dhaawaca uu ahaa 48 qof.

Xasuuqaas ayaa dhacay sanadii 2017. Waxa nasiib daro ah in intaas dheer la sugay in waajibkooda la mariyo.


Sadexda argagixiso ayaa kala ah

Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo
iyo Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow.

Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo.


Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

Sawirka hoose waa dhiigmiiratadii abaalkooda la mariyay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.