Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa weeraray Puntland xilli wali lagu guydajiro in la xaliyo nidaam Puntland inta badan soo qoratey oo lagu galayo doorashada dalka.
Shariif Xasan ayaa Puntland ku tilmaamay aabaha khilaafka wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland ay mar waliba u taagnaato khilaafka ay ka dhex abuurtyo Somalida.
Shariif Xassan waxa uu sheegay in Puntland ay mar waliba u hanqal taageyso hirgalinta ama fulinta rabitaankeeda Siyaasada balse ay caqabad ku noqoto waxyaabaha aan iyada rabitaankeeda aheyn ee lagu dabiibaayo marxalada cakiran ee dalka uu ku jiro.
Shariif waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas looga baahan yahay in danta gaarka ah uu ka hormariyo danta guud.
Shariif waxa uu sheegay in xiliyada qaar ay dhicikarto in tanaasul laga muujiyo Heshiisyo horay loo kala saxiixday, waxa uuna sabab uga dhigay inay soo bixi karaan dhibaatooyin degdeg ah, balse Puntland ay dooneyso in Heshiiska uu ahaado mid halkiisa taagan taasina aysan suuragaleynin.
“Wey jirtaa in Puntland ay kaalimaha koowaad kaga jirto maamulada dalka ka hergalinaaya qaadashada federaalka, balse waxaan daruuri aheyn in duruufo muuqda oo taagan lagu sii adkeysto heshiis horay u dhacay, waayo ujeedka loo wada hadlaayo waa in mar waliba loo taagnaadaa tanaasul iyo in daawo loo helo arrimaha cakiran”
“Wuu jiraa heshiis dhigaaya inaan laga talaabin Hanaanka doorasho ee madaxda Soomaaliyeed ku heshiisay balse maaha in la ilaawo dhibaatada iyo baahiyaha taagan”
Dhanka kale, Shariif waxa uu ka digay in mar waliba maamulada ay ku dhabar adeegaan Heshiis mar hore la kala saxiixday haddii ay jiraan baahiyo keeni kara in laga tanaasulo qodobada qaar.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay