X

Aroos halmar loo sameeyay askartii ku dhaawacmay dagaaladii argagixisada Siiriya: SAWIRO

Aroos halmar loo sameeyay askartii ku dhaawactey dagaaladii argagixisada Daacish ee dalkaasi Siiriya ayaa lagu qabtey hoolweyn oo ku yaala magaalada xeebta ah ee Latakiya oo ay badan yihiin qabiilka Asad.



Madaxweynaha Dalka Suuriya Bishaar Al-Asad ayaa boqolaal Askari halmar ka farxiyay. Askartan ayaa ku dhaawacmay dagaalka ay dowladdiisa dalka uga sifeysay argagixisada Sucuudigu taageero ee Daacish.

Askarta aroosayay ayaa xirnaa tuutaha dagaalka halka Gabdhaha loo xiray Taaj ka sameysan Caddaan iyo Calanka Dalka Syria.



Dhacdadii tan ka horaysay 2013kii ayaa 15 Askari mar qura loo guuriyay.

Dadka ka hadlay Munaasibaddan ayaa ujeedka ku sheegay in Dadka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda askartii naftooda u hurayna la abaalgudo oo aan dibedda loo tuurin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.