X

Faransiiska oo ka qayliyay Trump oo safaaradiisa u wareejinaya Al-Qudus

Faransiiska ayaa ka qayliyay Trump oo safaaradiisa u wareejinaya Al-Qudus. Trump oo ah xagjir Muslimiinta aad u neceb ayaa sheegay inuu safaarada Maraykanka u rari doono Al-Qudus oo Yuhuudu qabsatey.



Madaxweynaha Faransiiska oo ku biiriyay awoodiisa ayaa sheegay in talaabada Maraykanku ayna keenayn nabad waarta laakiin siinayso Yuhuda aqoonsi ayna ka helin Falastiinta.



Wadamo xulufo la ah Maraykanka oo Caraba ayaa iyaguna diidey talaabadaas. Sucuudiga oo saaxiib fiican la ah Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa waxa ka soo baxay hadal qabow oo aan hanjabaad ahayn.

Turkiga ayaa xiriir urur diimeed la leh Falastiinta Xamaas ayaa iyaguna u tilmaamay talaabo loo qaaday dhinaca xun.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.