X

Aserbajaan oo si xun u diciifisay difaacii cirka ee Armiiniya oo Ruushku taageero: Daawo

Aserbajaan ayaa sheegtay inay dhulka la sintey hubka Ruushku siiyay ee S-300 oo ahaa difaaceeda ugu adag ee dhinaca cirka oo hadda ay soo dhoobtey dhulka ay haysato.  Wasaarada difaaca ee Aserbajaan ayaa soo bandhigtey hubkii ugu badnaa ee lidka diyaaradaha ee Armiiniya oo hal hal u ugaadhsanayso.


Waxa kale oo wasaaradu sheegtay in ilaa hadda la xoreeyay tuulooyin yaryar oo teedsan aaga hore ee gobolka Nagarno ee Ruushku ka caawiyay Armiiniya inay goyso.

Dhinaca kale Ruushka oo ku baaqay xabad joojin dan u ah Armiiniya ayaa ilaa hadda ku guulaysan inuu Aserbajaan ka dhaadhiciyo in xabada la joojiyo xilli ay ku dhowdahay inay xoreyso dhulka.

”Haddii Aserbajaan xoreyso hal tuulo oo weyn waxa niyadu ka jabaysaa Armiiniya intaas wixii ka dambeeyana waa durkiya cadowga ayuu yiri Xuseen Warsame.


Ruushka waxa u furan inuu cadaadis saaro Armiiniya oo iska qaboojiyo arinta, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu gorgortan kaga rabo Turkiga si loo dhameeyo colaadaha Turkigu ka wado Siiriya iyo Liibiya.

Si kastaba ha ahaatee Aserbajaan ayaa ilaa hadda ku filan inay soo afjaro gardarada Arminiya oo hadda dagaalkan ku weyday 2000 oo askara ayna awoodin inay bedesho.

Hoos ka daawo sida gantaalihii Ruushka loo burburiyay


Waxase la sheegayaa in dagaalka ay la soo galeen gobolo ka mida Ruushka oo Armiiniyua raacsan halka Aserbajaan isku halayn karto Yukarayn iyo Joorjiya oo Ruushkii hore ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.