X

Sheekh Idiris oo ka hadlay sida madaxdii dalku uga faaiideysan amiirkii Kuweyd

Waxa shalay geeriyooday amiirkii Kuweyd oo sheekh Idiris sheegay inuu ahaa nin xaga diinta ku fiican uuna dhegeysan jirey khudbadiisa.

Waxaan ku qaabilay gurigiisa kuwait 2006 mar aan booqday, khudbadihiisana waan ka qayb galay. Mid sheekhnimadiisu waa diinta, kan kalena waa jagada. Ilaahay labadaba ha u naxariisto.


Dalka Kuwayd wexey kaga duwantahay dalalka khaliijka, hawla siyaasadeed oo sirgixan kama gasho inta badan dalalka kale ee ay mucaawanada siiso, hantida buuran ee Ilaahay siiyey.

Soomaaliya xidhiidh wanaagsan ayey la lahayd, amiirka geeriyoodey wuxuu Afgooye ku lahaa beer weyn, wuxuuna sheegi jirey meesha uu ugu jecelyahay inuu fasax ku qaato waa soomaaliya.


Waxaan ogahay in dalka Kuweyd uu diyaar u ahaa, jeclaana dib u dhis dhab ah inuu ka geysto Soomaaliya, gaar ahaan kaabiyaasha dhaqaale, sida: biyaha, korontada, wadooyinka, cisbitaallada, jaamacadaha, hayeeshee ma uusan helin siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal Soomaaliyeed oo hankaas la wadaaga.


Waxa ugu badan oo ay weydiisan jireen wexey ahayd: (xoogaa shilimaada oo lagu sooryeeyo) mid baa mar weydiistey: (amiir sabaaxow 40 qof xajka ma ii geyn kartaa?) Amiir sabaax inta qoslay: ayuu yiri: waayahay, warqadiina xoghaynta ayuu u dhiibey) ka dibna waxaa wasiirrada qaarkood isku dagaaleen: lacagta yar yaa lagu soo xawilayaa? Sidaas ayaa siyaasiyiinta hankoodu ahaa!

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.