X

Askar ka socota wadanka cudurka Iboola ee Siiraliyoon oo Kismaayo gaaray: SAWIRO

Askar ka socota wadanka cudurka Iboola dishoodey ee Siiraliyoon ayaa soo gaaray Kismaayo. Askarta ka socota Siiraliyoon ayaa hore looga saaray dalka.

Tiradda ciidamadaan ayaa waxa ay gaarayaan  145 Askari oo isugu jira Askar iyo Saraakiil Waxaana ay qeyb ka noqon doonaan  tayaynta iyo tababaridda ciidanka booliska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.



Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horey waxaa ugu sugnaa ilaa 15 saraakiil oo boolis ah,kuwaasi oo ka socda wadanka Sierra Leone,iyadoo imaatinka 145tan kalena lagu xoojinayo saraakiishaasi,waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah.



Somalia ayaa noqotey lagu soo girl askar aan loo baahneyn lagana shaqo siiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.