X

Askari aaga uga soo baxay inuu dhac gaysto oo xukun ku dhacay

Askari aaga uga soo baxay inuu dhac gaysto ayaa xukun ku haboon dhacay. Xukun Xasan Abshir ayaa si dhuumaaleysi ah uga soo baxaya aagga dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, ujeedada qarsoon ee ka soo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto mid ka mid suuqyada magaalada.


Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu bareereen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsada.


Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.