X

Askari dil lagu xukumay Butlaan oo laga soo horjeedsaday: SAWIRO

Shalay ayay ahayd markii maxkamad ku taal Butlaan ay dil toogasho ah ku xukuntey askari lagu eedeeyay inuu fududeeyay dilka nin u shaqayn jirey shirkada Carabta e DP World.


Askarigan ayaa lagu magacaabaa Xidigle Maxamuud Axmed Maxamed (Sheekeeye) ayay sheegeen dadka deegaanka Ceel-daahir oo Boosaaso u dhow mid xaqdaro ah, isla markaana Madaxda Puntland aysan u cadaalad falin Shacabka degan deegaanada kala duwan ee Puntland.

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in uu sharci darro yahay oo dawlado shisheeye lagu raali gelinayo.


Banaanbaxaayasha ayaa wadooyinka deegaanka Ceel-Daahir qaarkood xiray, iyaga oo markaasi ku gubay Taayiro, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in inta badan Goobaha Ganacsiga ay Maanta xiran yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.