X

Muuse Biixi oo sadex weriye jeelka u taxaabay (WARBIXIN)

Booliiska magaalada Hargeysa oo amar qaba ayaa jeelka u taxaabay sadex weriye iyo kaamara duube. Afartaan ayaa lagala baxay xaruntooda halka qaarna loogu tagey guryahooda. Afartan ayaa dhamaantood ka tirsan telefishanka madaxa banaan ee Eryal.


Muuse Biixi ayaa hore u xirey telfishankan Eryal oo ka mida kuwa ugu dhow ee ka hadla xaqiiqada ka jirta maamulka Somaliland. ā€¯Waxaan filayaa in lagu qoonsaday waraysiyo ay qaadeen ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Muse Biixi ayay caado u noqotey inuu jeelka u taxaabo cidii hadashaba tana maaha wax cusub. Wuxuu dhawaan xabsi muddo dheer liqsiiyay weriyaha Cabdimaalik Coldoon.

Weriyayasha uu Muuse Biixi jeelka u taxaabay ayaa waxay kala yihiin Badri Koosaar, Caydaruus Maxamed (Beershiya), Cabdiraxmaan Fantastic iyo kaamara duube Kamaal.


Waxa xusid mudan in weriyaha kale ee Maxamed Yuusuf (Bakeyle) oo isagu daacad u ahaa maamulka isna jeelka lagu tuurey dhawaan. Ilaa hadda war kama soo bixin waxa uu ku qoonsaday.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in xilliga la qabtey ay duubayeen dadka abanaya maamulka Muuse Biixi.

Sawirada hoose waa weriyeyaasha jeelka loo taxaabay

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.