X

Askari dil u gaystey wiil dhalinyaro ah oo la soo qabtey

Askari dil u gaystey wiil dhalinyaro ah ayaa la soo qabtey. Shalay gelinkii dambe ayaa askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda soomaaliya waxa uu dilay Wiil ka mid ahaa dhalinyarada Magaalada Jowhar.



Xilliga dilka uu dhacayey ayaa wiilka dhalinyarada ah waxa uu ku sugnaa goob hay,adda saldanada Cumaan ay ka qeybineysay raashin, waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in la qabtay askarigii dilka geystay.



Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidamada Milateriga,isla.markaana haatan xabsiga Jowhar uu ku xiran yajay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.