X

Askari diley wiil iyo gabadh walaalo ah oo xukun ku dhacay

Sakariya iyo Sowda waa wiil iyo gabadh walaalo oo saarnaa gaadhi Hingia loo yaqaan Bajaaj markii gacan ku dhiigle Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) uu huwiyay rasaas. Waxyar kadib ayaa goobta ku geeriyooday labada marxuun.


Muddo kadib waxa la qabtey gacan ku dhiiglahan oo la arkay inuu toos hub ula dhex socdo dadka shacabka.



Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.