X

Guddi loo saaray ciidan isku dilay gudaha Samareeb

DHUUSAMREEB

Waxa maanta duhurkii isku dhex rasaaseeyay gudaha magaalada Dhuusamareeb ciidan ka wada tirsan dawlada waxana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay iscunkaas. Lama sheegin waxa sababay inay magaalada dhexdeeda isku rasaaseeyaan.


Horjooge ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in guddi loo saaray sida ay wax u dhaceen kadibna laga jari doono cida falka guracan ka gaysatey magaalada. Wararka ayaa sheegaya in laba ka tirsan ciidanka Gorgor ay dhaawacmeen.



Ciidanka rasaasta isla dhacay ayaa ka kala tirsan milatariga iyo booliiska. Waxa inta badan ilaaliya baraha xanibaada ciidanka booliiska waana halka la wada rabo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.