Askari geesi ah oo naftiisa ku waayay qarax uu ka difaacay madaxtooyada. Wiilkan dhalinyarada ah ayaa la tabay markii argagixisada dhiigena xalaashatey qaraxa ku soo weerareen.
Maalin ka hor magaalada Muqdisho gaar ahaa Bar kontarool oo ku taala inta u dhaxeysa Guriga hooyooyinka iyo tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qarax aad u xoogan waxaana fuliyay qof naftiis halige ah kaasoo rabay in uu isku qarxiyo Villa Somalia.
Qaraxa oo laga soo buuxiyay Gaari Hoomey ah ama Caasi ah ayaa waxaa ka hortagay Askari Geesi ah kaasoo barta kontarool ku celiyay Gaariga balse halkaasi ku waayay naftiisa isagoo difaacaya qaranka Soomaaliyeed.
Marxuumka Geesiga ah ee Naftiisa ku waayay qaraxaasi ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Bookey waxaana helnay Sawirkiisa.
Halkaasi waxaa ka muuqata in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay nafta u huraan Difaaca qaranka hasa ahaatee waxaa ayaandaro weyn ah in Madaxda Qaranka in ay bixin waayaan Xaquuqda Raggasi dhiigooda u huraya Qaranka Soomaaliyeed.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS