X

Maamulka Jubba oo soo bandhigey argagixiso maca qaraxiisii lagu qabtey: SAWIRO

Maamulka Jubba oo soo bandhigey argagixiso maca qaraxiisii lagu qabtey. Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda maamulka Juba ee magaalada Kismaayo  ayaa nolosha ku qabtay xilli uu ku jirey falkan diinta ka baxsan

Ciidanka ayaa maqlay dhawaqa Qarax la sheegay inuu ka dhacay Guriga, waxa ayna halkaasi kusoo qabteen Qaraxyo kale oo ka badbaaday Qaraxii dhacay.



Ciidamada ayaa ninkaani oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Nuur kusoo qabtay guri ku yaalla nawaaxiga haanta biyaha ee xaafadda Farjanno.

Axmed C/laahi Ciise  oo ah Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland ayaa sheegay in ninkani uu ka tirsanaa Al-shabaab, ayna mudo baadi goob ku hayeen, xogtiisana ay mar hore heleen isagoo intaa ku daray in saakana ay u suurogashay in ay gacanta kusoo dhigaan.



Waxa uu sheegay inay horgeynayaan Sharciga isla markaana uu mari doono waxa uu sharciga ka qabo howsha lagu soo qabtay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.