X

Askari ka tirsan nabadsugida oo saaka lagu fuliyay dil toogasho muxuuse gaystay

Muqdishio–Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku fulisey askari ka tirsan ciidanka nabadsugida. Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa hore ugu xukuntay dilka toogashada ah taasoo ugu danbeyn saaka lagu fuliyay markii la soo taagay fagaaraha iskool boliisya halkaasoo dadka la xukumo lagu toogto.

Askariga nabadsugida ayaa isagoo direyska qaranka xidhan lagu helay in uu qof shacab dhacay kadibna diley waxayna dacwadiisu soo socotey in muddo ah.

Toogashada waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada, Gudoomiyayaasha degmooyinka qaarkood iyo saraakiil dhanka ciidamada ah.

Mas’uuliyiinta hadashay ayaa ka sheegay fagaaraha Iskool Boliisiya in askariga la dilay uu si bareer ah hore ugu dilay qof shacab ah kadibna dacwadiisa loo helay cadeymo buuxa taasoo keentay in lagu fuliyo dilka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.