X

Hogaamiye caan ahaa oo ka tirsanaa argagixisada shabaab oo geeriyooday iyo dhimashadiisa oo qirteen

Kismaayo–Sheekh Xasan Turki oo ahaa hogaamiye caana oo ka tirsanaa argagixisada shabaab ayaa geeriyooday sida ay xaqiijeen isla xagjirka shabaab. Sheekh Xasan Turki oo wax ka aasaasay urur diimeed iswada cunay aakhirkii ayaa la sheegay in uu ku geeriyoday deegaanka Hargeysa Yarey ee gobolka Jubada Hoose. Deegaankaas oo wali gacanta ugu jira argagixisada shabaab.

Afhayeenka argagixisada shabaab Cali Dheere ayaa xaqiijiyay geeridiisa. wadaadkan ayaa ku geeriyooday da’da 73 sano jir, waxaana la sheegay inuu ku geeriyooday deegaanka Hargeysa Yarey ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Xasan Turki ayaa sidoo kale aas aase ka ahaa Mucaskarkii Raaskamboono, halkaasoo in badan oo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab lagu soo tababaray. Xasan ayaa muddo xanuusanaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.