X

Askari kale oo dil u gaystey mooto bajaajle markana Muqdisho

Askari kale oo dil u gaystey mooto bajaajle markana Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen kahor inta aanu falka dhicin inay wada murmeen askariga iyo marxuumka la toogtay, intaasi kadibna ay xigtay rasaas uu riday askariga.


Ciidamo Boolis ah oo ka akdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku baxay falkan, waxayna ku daba jiraan gacan ku dhiiglaha dilka geystay oo baxsad ah.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.


Booliiska ayaaba caada ka dhigtey haddii lala marmo in rasaastu xigto taas oo uujinaysa akhlaaqad xumada ayna ka dareen mararkaqaar argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.