X

Madaxweyne Farmaajo iyo weftiga uu hogaaminayo oo gaaray Shiinaha

Madaxweyne Farmaajo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa gaaray Shiinaha halkaas oo uu ka furmayo shirka Afrika iyo Shiinaha.


Shirka oo furmaya berito ayaa inta badan ku kooban dhaqaalaha ayadoo shirkadaha Shiinaha ay isku dayaayaan sidii ay u maalgashan lahaayeen Afrika.


Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo furitaanka Madasha ka hor in uu kulan gaar ah la yeelan doono dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.


Shiinaha ayaa tartan adag kula jira dawladaha Maraykanka iyo reer galbeedka kheyraadka Afrika, waxayna bixiyaan amaaho bilaa shuruudo ah.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=oLsRDX54vaM[/embedyt]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.