09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Askari Kiiniyaana oo masayrsan oo dil gaystey

Askari ka tirsan ciidamada milatariga Kenya ayaa shalay ku toogtay gabar ay saaxiibo ahaayeen  Kinda estate oo ka tirsan magaalada Kitui. Askariga ayaa markii u dilka gaystay kadib istoogtay.

Askari ayaa da’aadiisa ay ahayd 30 jir,fadhiisinkiisa ciidana waxa uu ahaa Mariakani,Mombasa.

Gabadha uu askariga dilay ayaa ahayd 25 jir,kasoo jeeda Kyusyani oo ka tirsan Lower Yatta.

Askariga iyo gabadha ayaa mudo xiriir lahaa,waxaana la sheegay in dilka ay keentay,kadib markii uu askarigu masayray,uuna tuhunsanaa in gabadhu ay xiriir la leedahay nin kale.

“ Askarigu waxaa uu soo galay dhismaha,habaanimo,waxaa uu garaacay albaabka gabadha,waa ay ka diiday in ay ka furto.Wuu iska baxay,laakiin waxa uu soo laabtay subaxii,iyada oo isu diyaarinaysay shaqada” ayuu yiri mid kamid ah dadka dariska ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS