November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Askari ku sheeg hooyo Somaliyeed ku dilay duleedka Muqdisho

Askari ku sheeg ka tirsan kuwa dawlada u diinwaan gashan ayaa hoyo Somaliyeed ku dilay duleedka Muqdisho kadibna diiday in dhaawaceeda la qaado sidiina ku dhiig baxday sida ay sheegeen dadkii ka ag-dhawaa.



Askariga dilka gaystey ayaan ilaa hadda aan gacanta lagu soo dhigin lana soo sheegin halka uu tagay dilka kadib. Dadka goobjoogeyaasha ayaa sheegay inuu la socday dabaabado.



”Hooyadu waxay jirtey 55jir waxayna subaxda hore u soo baxday sidii ay gabdhaheeda oo jaamacado ku jira uga saari lahayd, waxana lagu diley halkii ay shaaha ku karin lahayd ayuu yiri oday qiiraysan oo leh waxaan rabnaa cadaalad degdega.



”Waxani waa mooryaan waana askar ku sheeg umana eka askarta dawlada ee la soo tababaray ee wuxuu u muuqdaa kuwii la baxay babbaado inuu ka tirsan yahay ayuu qabaa Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS