20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Askari shil ku diley haweenay oo gacanta lagu dhigey iyo goobta

Askari shil ku diley haweenay ayaa gacanta lagu dhigey. Askarigan ayaa ka tirsan ciidanka u qoran dawlada ee iska fowdada ah deegaan ahaana fadhiyay deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha hoose.



Xilliga shilkani dhacay ayaa askarigan isku dayay inuu kala celiyo laba haweena oo is dagaalayay. Askariga oo qorigiisa uusan xakameysneyn sidoo kalena Haweenkii dagaalamayay markii dambe caro darteed isaga qudhiisa ay soo weerareen ayaa waxa ay sababtay inta uu is lahaa ka baxso waxaa ka fakatay Rasaas, taasi oo waxyeeleysay Haweenka.



Gabadha dhaawaca uu soo gaaray ayaa isla shalay waxaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Muqdisho, si xaaladeeda caafimaad daro wax looga qabto, sida ay sheegeen Ehelada Gabadha.



Taliyaha Aagaasi ayaa dhankiisa sheegay in falkan uu ahaa mid aan la fileyn, mar walbana aysan diyaar u aheyn in la dhibaateeyo shacabka ay u shaqeeyaan oo ay masuulka ka yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS