Jamaal Cali Xuseen, C/raxmaan Cirro, iyo Muuse biixi ayaa gebin ahaanba afka ka xidhay in ay ka haddlaan weerarkii gardarada ahaa ee ay dowlada Jabuuti ku soo qaaday badda Somaliland,kaas oo dhaliyey inuu hal askari kaga shihiido ciidamada badda Somaliland,halka uu u hal askri oo kale ku dhaawacmay,iyagoo gebi ahaanba ka muquurtay in ay ka qayb-galaan aaskii loo samayeey marxuumka,isla markaana aanu midkoodna tacsi u dirin qaranka iyo qoyska uu ka baxay askarigaa u shahiiday dalkiisa.
Jamaal, Muuse Iyo C/raxmaa Cirro oo xiligii weerarku dhacay ku sugnaa gudaha dalka, isla markaana la socday waxa dhacay,ayaa waxay umuuqdaan in ay si badheedh ah uga muquurteen afkana uga xidheen ka haddalka weerarkii gardarada ahaa ee ay Jabuuti ku soo qaaday xeebaha gobolka Saylac,isla markaana waxay afka ka xidheen in ay xataa Tacsi u diraan qarankii,qoyski, eheladii uu ka baxay askarigii ku shihiiday weerarkii ay jabuuti ku soo qaaday dalkeena,waxaanay u muqdaan kuwo habranayo oo dhawranaya dano gaar ah oo ay iyaga jabuuti ku qabaan,balse aan qaranimada Somaliland wax dan ah ka lahayn habayartaa waaxay ka siman yihiin sadexda masuul taasi, mana jirto mid keliya oo dhiig wadaniyadeed leh ama uu ku jiro.
Dhanka kalena bulshada reer Somaliland ayaa aad uga cadhootay ka aamuska masuuliyiintan u hamuumtaqaba hoggaanka dalka in ay hantaan siilaanyo dabadii ay afka ka xidheen in ay ka haddlaan,weerarkii gardarada ahaa ee ay jabuuti ku soo qaaday ciidamada badda Somaliland,waxaanay shacabku sheegeen in haddii maanta uu masuul ka tirsan xukumadda soomaliya ama maamulka Puntland uu Somaliland u soo hanjabo in ay xukuumadda iyo asxaabtu ukala dheereeyaan ka fal-celinta,iyadoo ay isku dabamaraan ka jawaab bixinta.
Gunaanad “Jamal, Muuse Biixi iyo cirro, ayaa gebi ahaanba ka muquurtay ka haddalka weerarkii jabuuti, waxaanay kala bakhayleen xitaa in ay dhammbalo Tacsi ah u diraan askarigii qaranka kaga shihiiday weerarkaasi, kana qayba-galaan aaskii loo samayeey haba sheegina,waxaanay taasi muujinaysaa in ay habranyaan oo aanay ka haddli karayn,isla markaana waxay dhowranayaa danno gaar ah oo a jabuuti ku qaban.
Wariye Jante
Norwey
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay