X

Askarta Yuhuuda oo cabsi darteed banaayay saldhig ay lahaayeen: SAWIRO

Askarta Yuhuuda ee wiigii hore ay is rasaaseeyeen ururka xooga weyn ee Xisbulah ayaa cabsi darteed Ka cararay saldhig milatari oo ay ku lahaayeen xadka labada Dal. Saxafiyiin ka socda telefishanka Ruusha oo booqdey xadka ayaa soo arkey saldhiga Yuhuudu banaystey.


Saxafiyiinta oo filaayay in la joojiyo ayaan cidna joojin oo gudaha u galay saldhig maca hubkii yaalo iyo xataa cuntadii Yuhuudu ku cunaysay oo ayna dhamaysan.

Waxay kaloo soo  arkeen gawaadhida qufulan oo afku u furan yahay cidina ku jirin. Usbuucii hore ayay ahayd markii ururka Xisbulah uu gantaal ku burburiyay taangi Yuhuudu leedahay.


”Goobtan si deg dega ayaa looga cararay ayuu yiri saxafi soo sawirey saldhiga marnaba ma fileuyn inaan si fudud ku galno. Waxa caadiya in Yuhuudu ku tumato Falastiinta haddase la arkayo ooda ay jabiyeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.