X

Askartii gaalka Ingiriiska ee daraawiishtu ku jano tageen ictiraaf ma keenaysaa baroordiiqdoodu

Waxa baroordiiq markii ugu horeysay oo aan rajaynayo inay noqoto markii ugu dambeysay kaniisad Hargeysa ku taala loogu sameeyay askartii gaalka weyn ee Ingiriiska looga diley gobolada Woqooyi ee ay gacantooda ku baxday mujaahidiintii darwaawiishta.


Waxa fadeexadan ka qayb galay haweenay markii horeba laga shikisanaa iyo Faysal Cali Waraabe oo lagu yaqaan inuu cuqdad xun u qabo Somalida, dhalinta gobolada Hargeysa iyo Burcana sun ku beero, taas oo hadda ay fahmi karaan dhinaca cuqdadaas ka imanayso.

Waxa ka qayliyay waxgaradka magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo la sheegay in arintan loo sameeyay magacooda iyo ictiraaf looga raadinayo magacooda.


Haddaba su’aasha aad is weydiinayso ayaa ah Hargeysa waxa looga dabaaldegaa maalintii calanka ama xoriyada laga qaatey gaalkii weynaa ee Ingiriiska kadibna markii askar badan iyo saraakiil looga diley, makula quman tahay in gaalkii aad dishey aad u baroodiiqdo ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Wax macno ah uma samaynayso wiilka dhalinyarada ee loo sheegayo waxaad xornimo ka qaadanay gaalka Ingiriiska haddaaba u baroordiiqeyso askartii aad ka dishey ee aad ku shahiidey ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Ilaa hadda waxgaradka Hargeysa iyo Burco ma muujin sidii ay uga dabaalan lahaayeen laba wejiileyntan, lamana raadsan dadkii tagey kaniisada. Wasiirka diinta ee Muuse Biixi ayaa hore u sheegay inuu raadsan doono cida ku biirta, ilaa haddana kama hadal Faysal Cali Waraabe iyo haweenayda Adna.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.