X

Raiisal wasaarihii hore ee Somaliya Cumar Carte Qaalib oo geeriyooday

Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Allaha u naxariistee raiisal wasarihii hore ee Somaliya ahaana wasiirkii arimaha dibedda Somaliya Cumar Carte Qaalib oo in muddo ahba ku xanuusanayay. Cumar Cumar Carte ayaa wadanimo lagu yaqaanay, wuxuuna qayb ka ahaa dhexdhexaadinta dawladii dhexe ee Somaliya iyo maleeshiyaadkii soo galay Muqdisho.


Markii dawladii dhexe meesha ka baxdayna wuxuu qayb ka noqdey burburka ciidankii qaranka kadib markii uu yiri ciidanku ha isku dhiibo maleeshiyadkii gaalada iyo Itoobiya wadatey ee bililiqada iyo burburka masuulka ka ahaa.

Wuxuu intaa ka dambeeyay wuxuu isaga dhoofay dalka isagoo u baxay Carabaha, muddo kadibna ku soo noqdey dalka laakiin kama qayb gelin wax siyaasada.


Allaha u naxariistee waxa booskii aabihii galay wiilkiisa Maxamed Cumar Carte oo soo noqdey raiisal wasaare ku xigeen, haddana ahaa xubin ka tirsan barlamaanka Somaliya. Wuxuuna dhawaan tagey Hargeysa si uu u ag fadhiyo aabihii.

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.