Labada xul gobol ee ku wada jira Group A, Awdal iyo Buuhoodle ayaa maanta gellinka dambe ciyaar adag isku haleeli doona garoonka Xaaji Daahir ee magaalada Borama. Labadan gobol oo ciyaaraya kulamadoodii labaad, ayuu kulankoodu bilaabmi doonaa hadda oo saacadu tahay 02:30 waxaana si aad ah loo saadaalinayaa in aanay ciyaartoodu aad u kala fogaan doonin.
Xulka gobolka Awdal oo ciiyaaray kulankii furitaanka ciyaaraha ee gobollada galbeedka ayaa waxa uu 1-0 ku garaacay gobolka HAWD, waxaana uu sidaas ku haystaa 3 dhibcood.
Gobolka Buuhoodle kulankiisii hore waxa 3-2 kaga badiyey gobolka Maroodi Jeex, sidaas daraadeedna faro madhan ayuu taagan yahay, fursadda kaliya ee uu haystaana waa in uu maanta badiyo, haddii laga badiyo waxa uu noqon doonaa gobolkii ugu horreeyey ee ka hadha ciyaaraha gobollada, haddii barbar dhac uu galona wali rejo ayaa jirta.
Awdal haddii uu badiyo galabta, waxa uu tegi doonaa lix dhibcood, waxaanay taasi siinaysaa fursad iyo rajo wanaagsan, taas oo ah haddii gobolka Maroodi Jeex uu berri ka badiyo HAWD sidaas ayey ku soo baxayaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay