Horjoogaha Butlaan Siciid Deni ayaa qoraal ku sheegay inuu xilkii ka qaaday taliye ku xigeenka ciidanka aqalka horjoogaha Butlaan G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi. Waxae diidey xil ka qaadistaas horjooge xigeenka Axmed Karaash.
”Waxaan cadaynayaa in xil ka qaadistaas ay baalmarsan tahay xeerka u yaal maamulka Butlaan maadaama ay ahayd in wadatashi wax lagu bedelo ayuu yiri Axmed Karaash
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in wadatashi la’aantu soo noqnoqanayso intii la doortey horjoogahan cusub ayadoo sidan oo kalana ay uga jirtey maamulkii fadhiid C/welli Gaas.
”Horjooge Siciid Deni wuxuu aaminsan yahay in mamulku yahay mid Majeerteen oo qabiilada iska magacaaban yihiin ayuu yiri Xuseen Warsame.
Maaha markii ugu horeysay ee muran sidana uu dhex qarxo horjooge Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante.
C/laahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay