15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Axmed Kismaayo oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland..

Kadib markii baarlamaanka Maamulka Puntland shalay ay meel mariyeen Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa Guddiga maanta Shir ay u fariisteen waxa ay doorteen Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen.

Guddiga ayaa Guddoomiye u doortey Axmed Maxamed Cali (Kismaya) sidoo kalena guddiga waxay gudoomiye ku xigeen u doorteen Maxamuud Soofe Xassan oo sidoo kale guddigii hore ee doorashada gudoomiye ku xigeen kasoo noqday.

Axmed Kismaayo Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka Guddiga ay u doortaan shaqadana si wanaagsan uu u qaban doono.

Axmed Kismaayo ayaa horay uga soo shaqeeyay Laanta Afka Somaliga ee BBC, isaga oo uga warami jiray Deeganada Puntland.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenka,waxaa lagu soo dhaariyay xarunta madaxtooyadda, waxaana goobjoog dhaarinta guddiga goobjoog ka ahaa madaxwayne ku xigeenka iyo Afhayeenka Baarlamaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWES